Sunday, October 22, 2017
   
Text Size

PDF Search

WAR SAXAAFADEED: Hambalyo iyo Taageero

WAR SAXAAFADEED: Hambalyo iyo Taageero ku socota Wasiirka Cusub ee
Wasaarada Warfaafinta Puntland Mudane Cabdixakiim Axmed Guuleed

Tixraac: PDF/011112
www.puntlanddiaspora.org

Anagoo ku hadlayna magaca Qurbajoogta reer Puntland guud ahaan , gaar ahaana Gollaha
Qurbajoogta Puntland (Puntland Diaspora Forum), waxaan halkaan tahniyad iyo taageero ugu
soo gudbinaynaa Cabdixakiim Axmed Guuleed anagoo uga hambayaynayna xilka cusub ee
wasiirnimo ee loo magacaabay. Xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Warfaafintu waa mid aad u
culus ahna muraayadda laga dheehdo hawlaha horumarineed, maamul iyo maarayn ee uu
maamulka Puntland ku tilaabsato.

Cabdixakiin Axmed Guuleed waa mutacalim iyo suxufi ruug-cadaa ah kaas oo kaalin lama
ilaawaana ah ka soo qaatay unkida iyo kobcinta tayadda saxaafadda xorta ah ee Soomaaliyeed.
Cabdikaxiim wuxuu kaloo ka mid ahaa Ururka Qurbajoogta Puntland (Puntland Diaspora
Forum), bud-dhigna u ahaa unkidii faraca PDF ee Atlanta, Georgia ee dalka Maraykanka.

Mudane Cabdixakiim wuxuu ku biiray wasiirada tayadda leh ee ka timid qurbaha kuwaas oo
wakhtigoodii iyo xirfadoodiiba u huray horumarka dadkooda iyo dalkooda, sidaa awgeed
waxaan Mudane Cabdixakiim xusuusinaynaa in looga fadhiyo dhiiri gelinta iyo kor u qaadista
saxaafada xorta ah, kor u qaadista tayada saxaafada reer Puntland, kor u qaadista sharafta iyo
sumcada Puntland, iyo sidii uu u suurta gelin lahaa wada shaqayn dhab ah oo dhex marta
Maamulka Puntland iyo Qurbajoota reer Puntland.

Gollaha Qurbajoogta Puntland (PDF) iyo dhamaan xubnaha joogtadda ah ee PDF ee dunida
dacaldeeda ku baahsan waxa kuleeyihiin hambalyo Mudane Wasiir, waxayna Ilaah kaaga
baryayaan in uu hawshaasi culus kuu fududeeyo, kaana dhigo mid dadka reer Puntland
daacidnimo iyo hawlkarnimo ugu adeega.

Ururka PDF waxa ay si hagar la’aan ah kuugu balanqaadayaan in ay si hufnaani ku jirto kuula
shaqeeyn doonaan iyagoo kugu saacidi doonaan gudashada xilka culus ee laguu magacaabay.

Taariikh: December 16, 2009
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

PDF Facebook Fans

Login