Tuesday, December 12, 2017
   
Text Size

PDF Search

Press Release: Xuska 13aad ee Sanadguuradii Aasaaska Puntland.

alt

Sidaynu wada ognahay waxaa fooda inagu soo haysa Xuskii sanadguuradii 13aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Puntland, waxaa ayaduna isla maalinta 1da August curanaysa Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan, sidaa awgeed waxaan dhamaan Jaaliyadda Qurbajoogta reer Puntland meelay joogaanba aan si xushmadi ku jirto uga codsanaynaa kuna dhiiri gelinaynaa inay si niyadsami ay midnimo ku dheehayn tahay ugu tabaabushaystaan uguana dabaalgegaan Sanadguuradaan iyada ah.

Waxaan Jaaliyaddaha reer-Puntland meelay joogaanba u soo jeedinaynaa in dabaaldaga sanadkaani uu ka badalnaado kuwii sanadadii hore sababo dhowr ah awgeed sida:

• Si ummadeena dal iyo dibadba ay u helaan barakada Bisha Ramadaan, danbi dhaaf, amni iyo quluubtooda oo Eebe uu isku soo jeediyo mideeyana, waa inaynu dabaaldega sanadkan u bedelnaa Afur Wadajir ah oo ay dhamaan Xubnaha Jaaliyaddu meelay joogaanka ka soo wada qayb galaan.

• Maadaama duruufaha Bini-Aadanimo iyo nololeed ee ka taagan Soomaaliya ee ay sababtay abaarta ba’an oo dad iyo duunyoba laysay, waa in jaaliyadu meelay joogtaba ka qayb qaadataa taakulaynta iyo gurmadka maatada isugu jirta caruurta , raga , waayeelka iyo dumarka, si Ilaahay xaalkooda wax uga bedelo inagana inooga leexiyo aafooyinkaas iyo abaarahaas.

• Waa in aynaan hilmaamin malaayiinka aan awooda u lahayn waxay ku afuraan ee ku sugan Puntland kuwaas oo isugu jira, ehel, jifo, iyo qaxootiga faraha badan oo ka soo barakacay dagaalada iyo aafooyinka koonfurta Soomaaliya. .

Qofkii raba inuu qof dhiban oo aan awoodin oo Soomaliya ku sugan ama gaar ahaan Puntland ku sugan, fadlan la xiriira: Ramadan Relief: www.theafricanfuture.org Waxaan dalkeena iyo dadkeena meelay joogaanba u rajaynayanaa in Ilaahay tusiyo macaanka Midnimada, Muhiimahada Amniga iyo Gobanimada Dowladnimo. www.theafricanfuture.org.

Waxaan Jaaliyaddaha Reer Puntland, Soomaaliyeed iyo Muslimiinta kaleba u rajaynaynaa Ramadaan Barakaysay.

Ref: PDF/01112, Date:July 17th,2011 This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Login